Deeq A. Posted December 17, 2018 Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in 62 ka mid ah Al-shabaab ku dileen weeraro ay ka gobolka Shabellaha Hoose. Qoraal kasoo baxay taliska Maraykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in Sabtidii iyo Axaddii Lasoo dhaafay ay weeraren xerooyin Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi. Wadarta guud ee xubanaha looga diley Al-shabaab ayeey ku sheegeen 62, waxaana weerarkii ugu dambeeyey uu dhacay Sabtidii Shalay. AFRICOM ayaa sheegtay sidoo kale iney xoojin doonaan weerarada ay la eeganayaan xubanaha Al-shabaab ee ku sugan Soomaaliya. Dhanka Al-shabaab kama aanay hadal waxa ka jira in tiro intaa la eg looga diley weerarada ay diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites