Sign in to follow this  
Deeq A.

Macalin Farayare Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaada Caabudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa gaaray macalin Maxamed Cabdulle Farayare oo ka mid ah tababaryaasha farsamada xiriirka Soomaaliyeed kubbadda cagta,siagoo halkaas u gaaray tala siinta iyo horomarinta isboortiga Galmudug waxaana si weyn usoo dhaweeyay bahda ciyaaraha iyo maamulka xiriirka kubbadda cagta Galmudug.

48362881_2197764986977044_31657192903514

Bishii September ee sanadkan degmada Gaalkacyo waxaa lagu soo gaba gabeeyay tartanka kubbadda degmooyinka 2018 waxaana ka qeyb galay ilaa lix degmo waxaana ugu dambeyntii ku guulaystay ciyaartooyda degmada Gaalkacyo,iyagoo ka qaaday kooxda Balanbale ka dib tartankaas waxaa isoo if baxayay.

41026129_1383323815133915_60331547598530

“Sababta igu weyn ii aan halkan aan u imid ayaa ah in aan sii wado balantii aan qaaday labo bil ka hor markii Gaalkacyo lagu soo xeray tartankii degmooyinka u jadeeda socdaalka safarka waxa uu badan yahay kordhinta aqoonta kubbadda cagta iyo in aan u faa’ideeyo guud ahaan bahda isboortiga deegaanada Galmudug”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Macalin Maxamed Cabdulle Farayare.

48425765_2197765050310371_92000646280238

Xiriirka kubbadda cagta iyo wasaarada ciyaaraha Galmudug ayaa bilihii lasoo dhafay waday da’daalo ku aadan horomarinta ciyaaraha deegaanka,iyagoo iminka rajaynay in ay cowska macmilka saaraan garoonka kubbadda cagta Cabdullahi Ciise kan ugu badan ee lagu dheelo tartamada lagu qabto maamulka Galmudug.

sena1-300x200.jpg

“Imaatinka Macalin Farayare waxa ka qeyb qaadandooonaan horomarinta ciyaaraha Galmudug ujeedada ugu weyn waxa ay tahay in aan door wacan ka ciyaaro caawinta dhalinyarada matalaysa deegaanka ee dhawaan ka qeyb galaysa tartanka Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir”waxaa Gooboog Sport u sheegay Cabdifataax Cabdifataax Cabdullahi Warsame.

41145923_2145572319031761_35420512569041

Bulshada reer Galmudug ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay dhaliilay qaab ciyaareedka liita ay kooxdooda kusoo bandhigtay tartanka Maamul-Goboleedyada,balse iminka waxaa muuqanaysa is badal maadaam a tartankii ay dhawaan qabteyn ay kasoo xuleyn xirfadlayaashii ugu Wanaagsanaa.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this