Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo dib ugu soo laabtay dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga uu kaga soo qeyb galay shir loogu magacdaray “Masjidul Qudus”kaasi oo looga hadlayay arrimaha Falastiiin iyo caasimadda Qudus.

Wafdiga uu Hoggaaminayay Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Labadiisa ku-xigeen iyo xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyn ka dib wuxuu ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirkii uu kaga soo qeyb galay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,wuxuuna sheegay in la isku afgartay in meesha laga sii amba qaado qodobadii muhiimka ahaa ee shirka ka soo baxay mudada uu socday.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya markasta ay taageersan tahay Shacabka Falastiiniyiinta,islamarkaana ay caasimadda Falastiin u aqoonsan yihiin iney tahay Qudus waligeedna ahaaneyso.

Shirkan oo ah kii Labaad oo looga hadlayo arrimaha Falastiin ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Baarlamaanka Turkiga,waxaana ka soo qeyb galay 70-Dowladood,kuwaasi oo dhammaantood aragti ka dhiibtay shirka.

The post Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this