Deeq A. Posted December 17, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto xafiiskiisa ka soo baxday u magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka Mudane Cabdi Aadan Hoosow. “ Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka maalinimo isniin ah,wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,Ujeedo magacaabis wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ka dib markii uu tixgeliyay laga maarmaanimada inuu buuxiyo xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska oo banaanaaday,ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xilka Wasiirnimo maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka u magacaabay Mudane Cabdi Aadan Hoosow,wasiirka Cusub waxaa la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha ula wareego Xafiiskiisa waana mahadsan tihiin,”. The post R/w Kheyre Oo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites