Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 62 ka tirsanaa Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay duqeymo xariir ah oo labadii maalin ee la soo dhaafay diyaaradahoodu ay ka fuliyeen Soomaaliya.

War ka soo baxay Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeymahani oo garaayay illaa iyo lix ay ka fuliyeen deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuna dileen 62 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay in 4 ka mid ah duqeymahaasi ay ku garaaceen xarun Al Shabaab ay ku lahaayeen deegaankaasi maalinimadii Sabtida aheyd, taas oo ay sheegeen in ay ku dileen 34 ka mid ahaa Dagaalyahannada Al Shabaab.

Sidoo kale shalay ayey xuseen in ay labo duqeymood oo kale isla deegaankaasi ay ku dileen 28 kale oo ka tirsanaa Al Shabaab, sida ay hadlka u dhigeen.

Warkani ayaa sidoo kale lagu sheegay in taliska AFRICOM oo gacansiinaya DFS ay duqeymahani fuliyeen, si ay u wiiqaan awood Al Shabaab.

Ma jirto wax hadal oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan xubnaha Mareykanka uu sheegay in uu ka dilay.

Muddooyinkii dambe Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 62 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this