Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan lagu taageerayay Madaxda dowladda Oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulankan oo ahaa mid ballaaran, laguna taageerayay madaxda ugu sarreysa dalka, sidoo kalena lagu diidanaa siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo horjeeda dowladda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay waxgarad, aqoonyahanno, siyaasiyiin, dhalinyaro, haween abwaano iyo marti sharaf kale.

Dhamaan dadkii iskugu yimid kulankan ayaa si wadajir ah sharci darro ugu tilmaamay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, kaas oo ay dhawaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ugu horreyn siyaasiga Eng Axmed Salaad Aw Aadan oo soo qaban qaabiyay kulankan ayaa sharaxay u jeedada loo qabtay.

Eng Axmed Salaad ayaa xusay in ay muhiim tahay in la garab istaago dowladda federaalka Soomaaliya, laguna taageero wax qabadkeeda.

Dhanka kale siyaasiga Salaad Cali Jeelle ahna guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo dimuqraadiyadda oo madasha ka hadlay ayaa  sheegay in ay qalad tahay Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha, islamarkaana ay wax u dhimeyso tallaabooyinka loo qaadi lahaa dhinaca horumarka.

Ugu dambeyn Maamo Farxiyo oo ka mid ah haweenkii ka soo qeyb galay kulankan ayaa qaar ka mid ah Xildhibanada wada Mooshinka ku eedeysay in ay yihiin kuwo horay uga soo qeyb qaatay duminta dowladnimadii Soomaaliya.

 

The post Kulan lagu taageerayay Madaxda dowladda Oo lagu qabtay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this