Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Dhalinyarada uga digtay in ay ku biiraan Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandera ( Sh. M. Network )-Dowladda Kenya ayaa Dhalinyarada ka soo jeeda magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari uga digtay in ay qaataan barnaamijyada la xiriira xagjireynta da’yarta ku nool gobolka.

Xarunta ka hortagista Argagixisada ee dalka Kenya ayaa Dhalinyarada ugu baaqday in ay dowladda kala shaqeeyaan soo afjarista dadka ku lugta leh Argagixisinamada

Komen cheboi oo ah sarkaal ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegan in Dhalinyarada magaalada Mandera ay yihiin kuwa ugu badan ee ku biira Al Shabaab .

Waxaana uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo Dhalinyaradaasi looga baraarujinayo in aysan ku biirin Al Shabaab.

Warbixin ay soo saartay dowladda Kenya ayey ku sheegtay in boqolaal ruux oo badan kood shacab ah in ay ku dhinteen weerarada Al Shabaab ay ku qaadaan gobolka waqooyi oo xad la leh Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay ku xoojineyso amniga xadka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo illaa iyo 1000 Askari oo Boolis ah loo diyaariyay in la geeyo deegaanada ku yaala xadka Soomaaliya.

The post Kenya Oo Dhalinyarada uga digtay in ay ku biiraan Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this