Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbaarooyin hor leh Oo la soo dhigay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Isbaarooyin hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay la soo dhigay qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Jidgooyooyinkan oo ah kuwa tiro badan ayaa la soo dhigay inta u dhexeysa magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Darawallada Gadiidka ee isticmaala Waddaasi ayaa ka cabanaya Lacago fara badan oo looga qaaday halkaasi.

Qaar ka mid ah Darawalladan oo la hadlay Shabelle ayaa baaq u diray madaxda Galmudug, kana dalbaday in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.

Ciidamada Galmudug ayaa horay u qaaday Isbaarooyin badan oo ay Maleeshiyaad hubeysan soo dhigteen gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

The post Isbaarooyin hor leh Oo la soo dhigay gobolka Mudug appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this