Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo sheegay in uu Al-shabaab ka dilay 62 xubnood

Recommended Posts

Deeq A.   

Militariga Maraykanka ayaa Isniinta maanta ah sheegay in ay 62 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan ku dileen ilaa lix duqeymood oo ay sabtidii iyo Axaddii shalay ka fuliyeen degaanka Gendarshe ee gobolka Shabeellada hoose.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee(Africom) ayaa lagu sheegay in afar weerar oo Sabtidii dhacay ay ku dileen 34 xubnood oo Al-shabaab ah,halka laba weerar oo Axaddii dhacay lagu dilay 28 dagaallame oo kale.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu caddeeyay in weerarka oo lala kaashaday ciidamada dowladda Soomaaliya aysan khasaare ka soo gaarin wax rayid ah.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo sheegay in uu Al-shabaab ka dilay 62 xubnood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this