Sign in to follow this  
Deeq A.

C/raxmaan Ceynte oo DF u jeediyay Afar Qodob oo xal u ah gefkii laga galay Qalbi Dhagax

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa dowladda Soomaaliya usoo jeediyay Afar qodob oo xal u noqon karta gefkii laga galay C/kariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax.

Wuxuu ugu horeyn bogaadiyay talaabadii uu wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil uu cafiska iyo madax salaaxida ugu sameeyay Qalbi Dhagax, isaga oo sheegay inuu sameeyay arin wanaagsan.

Sawir Shalay qabsaday baraha Bulshada ayaa muujiyay sida Wasiir Xoosh uu cafiska kaga dalbaday C/Kariin Qalbi Dhagax oo si wadajir ah ay kaga qeyb galeen Shir ka dhacay magaalada Jabuuti.

Wasiirkii hore ee qorsheynta C/raxmaan Ceynte ayaa usoo jeediyay dowladda Soomaaliya Afar arin oo ay ugu horeyso in Cafis la weydiisto Qalbi dhagax.

“Madaxa meel ka sarreeysa oo la taabto ma lahan, Waa dhaqan Soomaaliyeed, Waana boggaadinayaa C/raxmaan Xoosh, Waxaase iga talo ah in:
a) Dowladdu raalli galin siiso Qalbi-Dhagax.
b) ONLF ka saarto liiska argagixisada.
c) Magdhow siiso Qalbi-Dhagax.
d) hubiso inaan loo laaban dambigaas.

Bishii September ee sanadkii hore golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa Argagixiso u aqoonsaday ONLF, waxaana Qalbi Dhagax la sheegay inuu xiriir la lahaa Al Shabaab, halisna ku ahaa amaanka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax raali gelin cad oo dowladda Soomaaliya kasoo baxay, balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu raali gelin siiyay madaxda ONLF mar uu kula kulmay magaalada Asmara.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this