Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan B. Ducaale oo Dumarka Soomaaliyeed ee Kenya ka dalbaday arin aysan ogoleyn Badankood

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka dalbaday Dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya inay ragooda u ogolaadan inuu la guursado seddex xaas oo kale.

Isaga oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay dalka Kenya ayuu sheegay in dadka Kenyan-ka ay aamisan yihiin inay ka badan yihiin Soomaalida, taasina loo baahan yahay in meesha laga saaro.

Dadka qurbe joogta ah, Soomaalida Kenya ee xoola dhaqashada u soo galay gudaha Soomaaliya iyo dadka kale ee Miyiga jira ayuu ugu baaqay in ay ka qeybqaataan tirakoobka iskana bareejeeyaan qabiillada kale ee Kenya.

Wuxuu ka dalbaday haweenka Soomaaliyeed in Seygooda u ogolaadaan inuu seddex xaas la guursado, si sanadka dambe Afar caruur ah uu u helo, islamarkaana la kordhiyo tirada Qowmiyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Dhamaadka sanadka soo socda aya Kenya waxaa ka dhaceysa tirakoobka dadweynaha Kenya oo qowmiyad kasta la tirakoobo.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this