Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weeraray Guriga Wadaad Caan ah oo lagu magacaabo Sheikh Taabid

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Koox Hubeysan oo la aamisan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa weerar ku qaadan guri uu degan yahay Wadaad caan ah kuna  yaala magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in wadaadka la weeraray lagu magacaabo Sheekh Thaabit  oo si weyn looga yaqaan magaalada Jowhar, iyadoo si dhab ah laamaha amniga aysan u sheegin sababta weerarka ka dambeysay.

Waxaa wararka soo baxaya ay sheegayaan in Wadaadka horay ay ugu yeereen Al Shabaab balse uu ka dhaga adeegay, iyadoo haddana uu qabtay Siyaaradda Sheekh Ooyaaye oo si weyn looga yaqaan Shabeelaha Dhexe.

Wiil uu Dhalay wadaadka oo lagu magacaabo Muxidiin Sheikh Taabid ayaa ku dhintay weerarka Al Shabaab ay ku rasaaseeyeen gurigiisa oo ku yaala magaalada Jowhar, sida wararka ay sheegayaan.

Dadka dagan xaafada Buulo Sheekh oo ah halka uu ku yaalay guriga sheikha la weeraray ayaa sheegay in shalay ay dhamaatay siyaaro lagu xusayay Sheekh Ooyaaye oo uu qabtay sheikhan.

Laamaha amniga ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaano, balse lama sheegin ilaa iyo hada dad ay usoo qabteen weerarka ka dhacay xaafada Buulo Sheekh oo ka mid ah afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay dagmada jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this