Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan xubnood oo ka tirsan Daacish iyo Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Maamulka Gobolka Bari ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo kooxda Daacish oo Puntland ka dagaalanta.

Xubnaha gacanta lagu dhigay oo gaaraya ilaa Shan ruux ayaa maamulka gobolka Bari waxay sheegeen in afar kamid ah ay yihiin Daacish halka ruuxa kale uu yahay xubin ka tirsan Al Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys ayaa saxaafadda u sheegay in xubnahaan lagu qabtay howlgal ciidamada amaanka ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Boosaaso.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka la qabtay ay ku eedeysan yihiin inay door ku leeyihiin dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso ee dadka rayidka ah loo geystay.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys ayaa xusay in dadkaan sidda ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad lasoo taagi doono si loo marsiiyo Cadaaladda.

Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland waxaa ka dhacayay dilal joogto ah,kuwaasoo loo geysanayay Ganacsatadda iyo Ciidanka maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this