Sign in to follow this  
Deeq A.

16 Bil Kadib Dhiibistiisa: Qalbi-dhagax Iyo Wasiirrada Guuleed Iyo Xoosh

Recommended Posts

Deeq A.   

Weriyaha Goobjoog News ee ka qeyb-galaya madasha Heritage ee Djibouti ayaa soo diray sawirka Cabdikarim Qalbi-dhagax oo dhexda ka fadhiya ra’isul wasaaraha ku-xigeenka dowladda federaalka ah Mahdi Guuleed iyo wasiirka dastuurka Cabdi Xoosh, waa sawir hadlaya, oo dhambaal badan xambaarsan.

Lama hubo in ninka hore raalli-gelin bixiyey laakin shalay Cabdikarim Qalbi-dhagax, waxaa si gaar ah u raalli-geliyey wasiirka dastuurka ee dowladda federaalka ah Cabdiraxmaan Xoosh Jibril.

shss.png

Arrintaas kadib, Cabdiraxmaan Ceynte, wasiirkii hore ee qorsheynta federaalka ah ayaa bartiisa Twetterka soo dhigay “Madaxa meel ka sarreeysa oo la taabto ma lahan. Waa dhaqan Soomaaliyeed. Waana bogaadinayaa Xoosh, Waxaase iga talo ah in: a) Dowladdu raalli galin siiso Qalbi-Dhagax. b) ONLF ka saarto liiska argagixisada. c) Magdhow siiso Qalbi-Dhagax. d) hubiso inaan loo laaban dambigaas.

Dhiibistii Qalbi-dhagax: August 27, 2017, Maamulka Farmaajo waxaa uu Cabdikarim Qalbi-dhagax oo ah muwaadin ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka u gacan-geliyey Itoobiya, ilaa iyo hadda raali-gelin rasmi ah kama bixin.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this