Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Waqooyi Oo Si Adag Uga Hadashay Cunaqabateyn Cusub Oo Uu Donald Trump Ku Soo Rogay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pyongyang)-Kuuriyada Waqooyi ayaa cambaareysay maamulka madaxwayne Trump oo cunaqabatayn cusub ku soo rogay .

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay saraakiil ka tirsan Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa imika ka digtay in ay hor istaagi doonaan arrinta ah in ay ka talabaxaan barnaamijkoda niyukleerka.

Xukuumadda madaxwayne Trumpa yaa cunaqabatayn cusub ku soo rogay saddax sargaal oo ka tirsan dowladda Kuuriyada Waqooyi.

Mareykanak ayaa wacad ku maray in ay xannibi doonaan hantida Choe Ryong-hae, oo ah nin ay si aad ah isugu dhaw yihiin Kim Jong Un,wasiirka amniga Jong Kyong-thaek iyo sarkaalka dhanka dacaayadaha u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi Pak Kwang-ho.

Tallaabada Mareykanka ayaa ka dambeysay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xannibaado cusub ay soo rogtay Kuuriyada Waqooyi taasi oo ay ka mid tahay in la xiray dad daawaday aflaan ajnabi ah.

Bayaan ay soo saartay xukuumadda Pyongyang ayaa lagu sheegay in tallaabada Mareykanka uusan ku qasbi doonin in ay wax ka badasho barnaamijkeeda Niyukleerka.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa bishii June kulan uu la yeeshay madaxwayne Trump uu la saxiixday heshiis aan kala cadeyn oo aan faahfaahin badan laga bixin.

Balse heshiiskaasi wax hormar ah lagama samayn tan iyo xilligaasi.

Wadahadalo dheeraad ah oo labada dhinac dhex mari lahaa ayaa la baajiyay bishii November.

Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa ka mamnuucday baarayaasha Qaramada Midoobay in ay booqdaan dalkeeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this