Deeq A. Posted December 17, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network)-Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee M/ Muqdisho, iyadoona lagu arkayo Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa howlgallo ka wada qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga. Lama oga sababta ka dambeysa Xirnaashaha Waddooyinka qaar ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Balse Shacabka ayaa la arkayaa, iyaga oo maalaya Cagahooda, maadaama aan loo ogoleyn in Gaadiidku isticmaalaan Waddooyinka xiran. The post Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho Oo saaka xiran appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites