Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo beeniyay in uu Is Casilayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) oo xalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu Is Casilayo.

Wasiir Amar Dambe ayaa dacayad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay bulshadu isla dhexmareysay.

Waxaana uu tilmaamay in ay ka go’an tahay in uu u sii shaqeeyo Shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Shalay ayey aheyd markii uu is Casilay wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Mudane C/fitaax Ibraahim Geesey.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Xasan-1.mp3

The post Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo beeniyay in uu Is Casilayo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this