Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo qabatay 5 nin Oo ka kala tirsanaa Al Shabaab iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo ) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgallo ballaaran oo laga sameeyay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi.

Guddoomiye Dhedo ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay magaaladaasi lagu soo qab qabtay illaa 5 Qof oo ka kala tirsanaa Al Shabaab iyo Daacish.

Waxaana uu tilmaamay in 4 ka mid ah Raggaasi ay ka tirsanaayeen Kooxda Daacish, halka midka kalena uu xusay in uu ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Raggani ay ka dambeeyeen dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay M/ Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Ugu dambeyn Yuusuf Maxamed Wacays guddoomiyaha G/ Bari ayaa wacad ku maray in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee gobolkaasi.

The post Puntland Oo qabatay 5 nin Oo ka kala tirsanaa Al Shabaab iyo Daacish appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this