Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab qorsheynayay Weerar ka dhan ah ciidamada DF oo lagu laayay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Mareykanka ayaa howlgal Wadajir ah oo ay sameeyeen waxay ku dileen xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Gandershe ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in ku dhawaad 25 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab lagu dilay deegaanka.

Xubnaha lagu dilay weerarka ayaa la sheegay inay qorshaynaayeen weeraro ka dhan ah Ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxaa Ka go’an in ay sii wadaan Dagaalka lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab oo Ku taagaan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay geysteen lagu dilay xubno ka tirsan Al SHabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Sideed xubnood oo ka tirsan Shabaab lagu dilay duqeyn ay ka fuliyeen Shalay meel ku dhaw deegaanka Gendershe ee Gobolka Shabeelada Hoose

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this