Sign in to follow this  
Deeq A.

Waalidiin buux dhaafiyay Saldhiga Baydhabo iyo Khudbad jeedinta oo maanta dhamaaneyso+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Maalintii Labaad waxaa saldhiga magaalada Baydhabo buux dhaafiyay waalidiin caruurtooda lagu xiray saldhiga waxii ka dambeeyay banaanbaxyadii ka dhacayay magaalada.

Waalidiinta qaar ayaa raadinaya haween iyo caruur ka maqan oo la waayay maalin kadib markii ciidamada booliska iyo meletariga ay awood u adeegsadeen dadkii banaanbaxyada ka dhigayay magaalada Baydhabo.

Ma jirto cid waalidiinta la hadasha kana qancisa sababta caruurtooda ay u xiran yihiin, waxaana wararka ay sheegayaan in ku dhawaad 200 oo ruux ay ku xiran yihiin saldhiga magaalada Baydhabo.

Dadka Banaanaxa dhigayay ayaa ka xumaaday xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda ay Khamiistii lasoo dhaafay kasoo xirtay magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo lagu soo gabo gabeynayaa dhageysiga Khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo shalay seddex musharax la dhageystay.

Labo Musharax ayaa maanta la dhageysan doonaa, waxaana maalinta Arbacada ka dhaceysa magaalada Baydhabo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

48363075_1999648457006653_62924631784208 48376213_316588212275395_638960064557324 48420455_324880011445456_477445525449211 48427995_2287825421489529_40401992978142

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this