Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo sheegtay inay howlgal ku dishay rag ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga iyo Mareynkanka oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay 25 oo ka tirsan xoogaga Al-Shabaab.

Howlgalkan oo dhacay 16-ka bishan December lagana fuliyay nawaaxiga deegaanka Gandershe ayaa lagu beegsaday xero ay lahaayeen Al-Shabaab, halkaas oo ay Ku diyaarinayeen weeraro oo ka dhan ah Shacabka Gobalka iyo sidoo kale Ciidamada dowlada iyo AMISOM ee Ku sugan magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

“DFS iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxaa Ka go’an in ay sii wadaan Dagaalka lagu wiiqayo awoodda argagixisada Al-Shabaab oo Ku taagaan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed,” qoraal kasoo baxay dowladda.

Ciidamada xoogga dalka ayaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ka saaray deegaano badan oo ka tirsan Gobolkaasi, “waxaana hadda lagu baacsanayaa dhulka howdka ah, halkaas oo ay maciin bideen,” ayaa raaciyay bayaanka.

 

The post DFS oo sheegtay inay howlgal ku dishay rag ka tirsan Al-Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this