Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkada Qatar Airways oo duulimmaad ka bilaabeysa Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddoomiyaha Qatar Airways, Sayid Albakar Al-baakir ayaa maanta shaaciyay in shirkaddoodu ay July 01, 2019 bilaabayso duullimaadyo toos ah oo ay uga howl gelayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, Cabdirisaaq Faarax Cali, ayaa sheegay in guddoomiyaha Qatar Airways uu qorshahan ku xaqiijiyay kulan isaga iyo ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, maanta ku dhex maray magaalada Dooxa.

Safiir Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu guddoomiyaha Qatar Airways uga mahadceliyay duullimaadka shirkaddoodu ay ka bilaabayso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, sidoo kalana ra’iisul wasaaruhu uu shirkadaha iyo ganacsatada kale ee dalka Qatar u rajeeyay in ay maal gelin ku samaystaan dalka Soomaaliya.

Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya.

The post Shirkada Qatar Airways oo duulimmaad ka bilaabeysa Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this