Sign in to follow this  
Deeq A.

Qisooyinka Labada Heesood ee � Dhayal looma heesee dharaartii aan ku caashaqay iyo �Haddii Jacayl Sir laga dhigo Saldhig lagama gaadhee � ee Maxamed Mooge qaaday : Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa wada socday ninka Biladda Cuud tumistay ay Soomaalidu siisay Axmed Ismaciil Xudaydi , Maxamed Aadan Dacar , Cabdi Aadan Xaad oo Qays loo garan ogyahay , Maxamed Mooge Liibaan , iyo Axmed Saleebaan Maxamed “Ina Saleebaan Bidde “ sanandkii 1975 iyaga oo lugaynaya goor Barqo ahmeel ka mid ah degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho , waxa mar qudha soo da’ay roobka loo yaqaano Xagaayo oo isagu sida caadadiisa ah aan

  • D5F44579-F523-4261-A918-A8EB10524388.png

muddo badan soconin.

Kooxdan wada socotay

inay socodkoodii hakiyaan ayey go’aansadeen oo roobka ay meel ka galaan /jirsadaan ka dib guri dabaq ah ayey ka hoos galeen . Wax yar uun ka dib waxa agtooda soo istaagay baabuur midabkiisu cirka u eegyahay nooca raaxadana ah , ka dibna waxaaba ka soo degay laba gabdhood oo markii ay ishoodu qabatay qoldii roobka meesha kaga jirtay ay dhammaan qurux ku tilmaameen .
Maxamed Aadan Dacar oo sidoo kalena loo yaqaanay Shaafici ka hor inta aanu Hibo Nuura la qaadin heesta “Dacarow ama Waan Duulayaaye Isoo Ducee “ isaga “Dacar” ayaa Axmed Saleebaan Bidde ku yidhi isaga oo carinaaya “ Car waakaase Axmedow labadaas gabdhood ee baabuurka ka soo degay xaggeenana u soo socda hees ka samee weliba ta soo horraysa” , Axmed ayaa bilaabay erayada heesta “ Dhayal looma heesee dharaartii aan ku caashaqay” Xudaydi ayaa yidhi anaa laxamaynaya heestaas , Maxamed Mooge isna wuxuu yidhi waxa ballan ah inaan anna ku luuqeeyo , Cabdiqaysna sacabka ayuu u tumay .
Markii ay labadii gabdhood u yimaadeen ee ay salaamaan waxay ka codsadeen in madaama uu roob da’aayo isla markaana ayna haysanin baabuur inay gurigooda oo aan markaasi ka fogayn ay u raacaan oo ay halkaasi ku nastaan , wayna raaceen .
Markii ay gurigii tageen ayaa Cabdiqays oo ay saaxiibo isku sir ah ay ahaayeen Axmed Saleebaan wuxuu maqlay gabadh ka mid ah labadii gabdhood oo iyadu biyo u keenaysay ragga iyada ku luuqaynaysa heesta Maxamed Cali Kaariye curiyey ee ay ka mid yihiin erayadan “Adoon soo rogaan celin raartana ka soo degin “ dareen ayuuna qaatay wuxuuna ku yidhi Axmed “ halkaas waxbaa ku jira”.
La is baray oo la isxaal waraysay , waxayna gabdhihii middii heesaysay oo sidoo kalena ah tii baabuurka ka soo hor degtay ee la isku carinayaey in hees loo sameeyo ay noqotay gabadh ay Axmed Hargeysa isku barteen markii uu xabsiga ka soo baxay oo iyadu jeclayda balse aan Axmed waxba u sheegin .
Axmed oo aad uga xun xaaladda ay gabadhaas ku kulmeen oo dabcan sidiisa oo kale Muqdisho safar ku ahayd sidoo kalena ku canaanaya inay la aamustay jacaylka ay u qabtay ee Uurkeedu sheegay ayaa mar kale alifay heesta “ Haddii Jacayl sir laga dhigo Saldhig lagama gaadhee soo soco oo wax ii sheeg”.
Sidoo kale Axmed wuxuu ku muujiyey heestan damqashada qof aad xaalad adag ku kuleenteen adiga oo aan hayn ahaan waxba ku dhaamin waana ka yidhi:
Sahay adiga oon qabin
Sibraar Badhax ah kol ay tahay
Suryo ruux ku kulanteen
Surin aanad kaba filin
Sedna aad la jeceshahay
Adoon sidin maxaad siin?
Maxamed Mooge ayaa heestiina laxameeyey sidoo kalena ku luuqeeyey

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this