Deeq A. Posted December 16, 2018 Waxaan Nahay Bulsho Dhiig iyo Dhaqan Walaalo Ah DiinToodu Tahay IslaamBulshada inala dagan Ee Waliba Walaalaha Nahay Waxay Inooga Baahnyihiin Itiraam iyo Aan Dhibka ka Ilaalino lana Qaybsano Waxwalba. Beesha West Burco Clan Waxay kamid Tahay Beelaha Daga Somaliland Adunyada Laba Hooya Wada Dhashay Baa Isqabsada. Waxaa loo bahanyahay in Caqligu Shaqeyo.Hadii Aan Waxtirsanayno Waxaa Quruxbadan in aan Wada Wanaagsan Marno Maaha Hanjabaad iyo Mas Ogoli Cidwalba.Taasi Waxay keenaysaa In Beeshu Yeelato Cadaw badan iyo in Dhinac la inaga Wada Maro.Hadaba Anigoo Kamid Aha Aqoonyahan Da’da yar ee Beeshu Leedahay waxaan Iii Cuntami Wayday sida Ay Beeshu Qaar kamid ihi Wax uwadaan .Waliba Madax Sheeganaya. sidaas Daraded Fariintaydani Waxay Daarantahay In Aan Talo usoo Jeediyo Cid kaste Oo Dan leh Beesha Ama ka Fikiraysa Mustaqbalka Ayaaha Beesha West Burco Clan Waxaan Usoo Jeedinayaa Madax Dhaqameekeena iyo Aqonyahankeena Iyo Indheergaradkeena Sidan: 1-In aan ka Fikrno ayaaha Mustaqbalka Jiilkeena yaryar ee Soo Socoda ee Beesha West Burco Clan Ha Helaan Walaalo ay isku Haleeyaan. yeey Dhaxlin Cadaw badan iska Ilaaliyaan. 2- In aan Ka Fikirno Ayaaha Iyo Mustaqbalka Beesha West Burco Clan . 3-In Aan Cadaw Badan Aanan Usoo Jiidin Beesha imika Aad Moodid In Bulshada Badankeedu Gaar ugandhi Baxayaan. 4- In Walaaldeen Walaal Waxaan ahayn in aanan kula Macaamilno Soona Celino Karaamadii Iyo Sumacadii Laguyaqaanay Beesha. 5- In Beesha Karaamadii iyo Dun Wanaagii Lagu Yaqaanay Aan Soo Celino Umadana Wanaagi ay Inagu Barteen Aan Soo Ceshano. 6-In Aan Maskaxda Galino In aanan Lahayn Cadaw balse Cadawgeenu Yahay Cida Aan inagu ka dhigano. Ugu Danbayn Waxaan Ka Damqaday Kadib Markaan Arkay in aayihii Iyo Mustaqbalkii Beeshu Madawgalay Waxaan Rabaa in aaan Farintaydaa Aan idinla Wadaago Cidkastoo Dareen Lihina Ka Dhiidhido Kana Fikirno Aayaha Iyo Mustaqbal Beesheena. Waxaan Soo Dhawaynayaa Cidkastoo Talo ama Waxtarba Wada Dhawaana Waxaan Rajaynayaa In aan Qaban Qaabino Kulan Aqoonyahanka Beesha Soo Qaban Qaabiyaan . Waad Mahadsantihiin. Rajab Ismail Salah. Hargeisa-Somaliland 0634416899 Source Share this post Link to post Share on other sites