Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisadda K/G way ka weyn tahay Roobow: Waxa ka ogow loolanka qabiil iyo cuqdada jirta ee DF aysan fahamsaneyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Waad maqashay wararka isa soo tarayay ee Koonfur Galbeed: Shariif Xasan baa is casilay, Mukhtaar Roobow oo isa soo sharxay baa la xiray, Lafta Gareen baa la soo wariyay in ay dowladda wadato, xildhibaanad Xaniifa Xaabsade iyo Xildhibaan Fanax oo ka cod dheeraaday maalmahaan xildhibaanadii kale oo mucaaradka ahaa, wasiirka Howlaha Guud Cabdifataax Geesey oo ugu dambeyn iska casilay xukuumadda Kheyre.

Xiisadda ka taagan Baydhabo keliya ma aha musharax Mukhtaar Roobow, ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab xiritaankiisa iyo doorashada dhacaysa oo ay dowladdu la rabto Cabdicasiis Lafta Gareen, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlammaanka Federaalka ah in uu ku guuleysto.

Aad ayay uga qoto dheer tahay, oo waxay salka ku heysaa arrimo gaamuray oo cuqdado dhanka qabiilka ah oo  ka dhaxeeya beesha Cabdicasiis Lafta Gareen, Hariin oo degta Bay gaar ahaan Baydhabo oo badanaa la siiyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, iyo wasiir maamul goboleedka KGS, iyo wasiir dowlo ama ku xigeen federaalka ah iyo beesha Leysaan oo degta gobolka Baay, ayadoo saami ahaan hesha Guddoomoyaha Gobolka Baay, guddoomiyaha degmada Berdaale, iyo wasiir federaal ah. In kastoo Hariin ay deggan yihiin gobolo kale, hadda Leysaan ayaa ka soo dhex muuqata maamulada gobolada kale ee dalka sida wasiirka caafimaadka Jubbaland Cali Nuur Xaaji, xog-hayihii guud ee Gobolka Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtaar.

Leysaan iyo Hariin waxaa weligood ka dhaxeeyay dagaal qabali qarniyo ah oo tuulooyin lagu kala heysto oo aan weli laga heshiin. Beesha Hariin oo laga awood badnaa dhanka ciidamada iyo dhaqaalaha ayaa dulmi tirsanaysay sanadihii 90-maadkii dagaalada kaddib, sidaas darteed waxay la safatay ciidamadii jerenaal Caydiid ee 1995 Baydhabo qabsaday.

Beesha Leysaan oo bilowday dagaal ay Caydiid la gashay ayaa markii dambe garwaaqsatay in Shaatiguduud oo Hariin ahaa noqdo Guddoomiyaha RRA si beelaha kale ee Digil iyo Mirifle ay dagaalka lagu la jiray Caydiid u galaan.  Markii uu Shaatiguduud si wannaagsan u maamulay RRA, wuxuu isku dayay in uu maamul goboleed 6 gobol ah u gudbo, asagoo loo doortay madaxweyne, kaddibna billaabay in uu maquuniyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo aasaaska RRA wax badan ku lahaa una dhashay beesha Leysaan.

Dagaal xoog leh ayaa 2002 ka dilaacay Baydhabo. Dagaalkaasi oo ay dad badan ku naf waayeen waxaa markii dambe ku adkaaday Xaabsade oo Shaatiguduud ka saaray saaxadda in kastoo ay markii dambe wasiiro ka noqdeen maamulkii Cabdullaahi Yuusuf. Ciidamada Xaabsade waxay xad gudub hanti iyo dadba u geysteen beesha Hariin dad ka mid ah oo ay gabdho ciyaal iskooley ah ku jiraan, oo aan illaa iyo hadda laga heshiin.

Murashax Cabdicasiis Lafta Gareen oo hadda u taagan maamulka Koonfur Galbeed, wuxuu kaalin weyn ku lahaa dagaalkii 2002 dhexmaray Xaabsade (Leysaan) iyo Shaatiguduud (Hariin). Lafta Gareen wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Shaatiguud, wuxuuna si toos ah ugu jiray dagaalkaas oo ay dad badani ku naf waayeen.

Shariif Xasan, oo ku dhashay degmada Berdaale oo ay Leysaan ku badan tahay, waxaa abti u ahaa beesha Leysaan oo garab uu ka helayay, balse si aan loo dhihin Leysaan buu u xaqliyay, una qanciyo beesha Hariin, wuxuu siiyay xilal dheeraad ah oo ay ku jiraan taliyaha ciidamada booloska Koonfur Galbeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo adeer laxmi ah u ah Lafta Gareen, sidoo kale sodog u ah maadaama uu ina Mahad ay u dhaxdo Lafta Gareen.

Madaxweyne Farmaajo ma laha kama war hayo taariikhda dagaalada iyo xasaasiyadda beelaha. Wuxuu taageeray musharax Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay beesha Leysaan ka tirsanayso in uu ku jiray dagaalkii la isku gumaaday ee Xaabsade iyo Shaatiguduud dhex maray, sidoo kale Leysaan waxay wax badan ka tirsanaysaa Jeneraal Mahad oo adeerkiisa ah oo ay xadgudubyo ka tirsanayaan. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo wuxuu ka hor yimid Mukhtaar Roobow oo u dhashay beesha Leysaan, musharaxii kale ee beesha Leysaan ka socday oo lagu magacaabo Yuusuf Baadiyow wuxuu u tanaasulay Roobow si uu u taageero. Beesha Hariin waxaa sidoo kale ka socda musharax aad loo jecel yahay oo aan wax xasaasiyad ah muujin oo lagu magacaabo Dr. Ibraahim Macalin Nuurow.

Markii la dhaafay diiwaan gelinta musharaxiinta, Leysaan waxay isugu geysay xooggooda difaaca Mukhtaar Roobow. Mar haddii ay dowladdii xirtay, Leysaan oo ay ayadu ka talinaysa gobolka, sidoo kale xoogga ciidan ah sama ha joogo Xaabsade ama Shariif Xasan, imika ma heysato wax musharax ah oo uga qeyb galaya doorashada, halka Hariin ay leeyihiin Lafta Gareen oo taageera ka helaya madaxweyne Farmaajo, oo dadka qaar ay leeyihiin waxaa Lafta Gareen u geeyay reer abtigiis maadaama hooyadiis ay tahay Mareexaan.

Dhacdada ugu muhiimsan ee maanta dhacday waa in uu is casilay Wasiirka Howlaha Guud ee xukuumadda Kheyre ee u dhashay isna Beesha Leysaan oo la sheegay in culeys adag uu beesha ka soo fool saaray. Sababta keliya ma aha in Mukhtaar Roobow la reebay, balse waxaa wehelisa in shalay Baydhabo uu ciidanka Booliska ee Jeneraal Mahad, madaxda ka yahay in lagu eedeynayo in ay dileen Xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Ibraahim Buulle, Guddoomiyihii Guddiga Amniga ee Koonfur Galbeed oo u dhashay beesha Leysaan oo diidanaa ciidanka ay dowladda Federaalka geysay Baydhabo, sidoo kale dad kale ayaa la dilay, qaarna la xabisay.

Hadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal, odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle waxay og yihiin cawaaqib xumada ka dhalan karta in beelo isu cuqdadaysnaa weligood midna la diido, midna la taageero.

Markuu Baydhabo joogo Roobow waa Leysaan dagaalo diineed galay, sidoo kale Lafta Gareen waa Hariin galay dagaalo beeleed, mid walba oo soo baxa waa halis.

Guud ahaan Digil Miriflaha kale waxay Roobow ku taageerayaan maadaama uu yahay qof diineed oo caddaalad ay ka fili karaan, iyo la dagaalanka Shabaab, halka Lafta Gareen ay u heystaan qof dusha laga saarayo.

Si loo helo maamul shaqeeya, waxaa muhiim ah in la qaato talada dhahaysa doorashada dib ha loo dhigo si loo qabto doorasho la wada aqbalo.

W/Q: Xasan Cabdullaahi Muumin
Baydhaba, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this