Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo xirtay xabsiga Godka JILACOW ee shaacisayna sababata (Arag Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba albaabada iskuugu laabtay xabsiga Godka Jilacow oo ku yaala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Wasiirada Amniga iyo Cadaalada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Abuukaate Xuseen Xasan Xaaji oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Albaabada loo laabay Xabsiga Godka Jilacoow.

Waxa ay sheegeen in sababaha loo xiray ay tahay kadib cabasho ka timid Shacbaka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha xaquuqul Insaanka,taas oo ku aadan in Xabsiga uu ahaa goob dadka lagu dhibaateyn jiray.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado Xaaladdaha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Xabsiga Jilicow ayaa loogu tala galay in lagu xiro Shaqsiyaadka kala duwan ee lagu eedeeyo in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Sanadkii 2014 Al Shabaab ayaa weeraray saldhiga, waxaana marar badan lagu xisay xubno ka tirsanaa Al Shabaab.

shirka-750x430.jpg albaab.jpg Godka-696x371.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this