Deeq A. Posted December 16, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Gaari uu goordhow ka dhacay magaalada. Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex ee degmada Hodon, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Dadka aan la hadalnay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Gaari waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen, lama hayo faahfaahin intaasi dhaafsiisan. Dhawaqa qaraxa oo laga maqlay Taleex ayaa ka dhacay agagaarka Masjidka Ramadaan ee degmada Hodon. La soco waxii kusoo kordho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites