Sign in to follow this  
Deeq A.

Muudey iyo Mahad Cawad oo kulan albaabada u xiran la leh gudoomiye Mursal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo midka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cawad iyo Muudey ayaa Maanta booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal.

Seddexda Mas’uul ayaa ka wada hadlayo Xaaladda Siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda ugu sareyso dalka iyo mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka oo ah mid alabaabada u xiran ayaa wuxuu ka socdaa Hotel Shabeel oo uu dhawaan dagay Guddoomiyaha Baarlamaanka kadib markii uu cadaadis kala kulmay Xukuumadda Soomaliya.

Labada dhinac ayaa waxaa dhex-dhexaadinaya xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa la aaminsan yahay in lagu doonayo in lagu damiyo xasaradda ka dhalatay Mooshinkii dhawaan laga gudbiyey Madaxweyne Farmaajo.

Muudey iyo Cawad ayaa doonayo inay Mursal ku qanciyaan inuu ka laabto Mooshinka Farmaajo isla markaasna uu la shaqeysto Kheyre iyo Farmaajo oo markii horaba ka dambeeyey inuu Guddoomiye noqdo markii meesha laga saaray Prof. Jawaari.

Guddoomiye Mursal ayaa la saaray xayiraad, iyadoo loo diiday in Xildhibaanada u tagaan, kadib markii ciidamada ammaanka ay xireen wadada loo aado hogyiisa ee wadada Garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this