Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qorshe Roobow uu ku tanaasuli lahaa oo si cajiib ah u fashilmay maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshe la doonayey inuu maanta Mukhtaar Roobow ku dhowaaqo inuu ka haray doorashada Koonfur Galbeed ayaa fashilmay kadib markii la isku fahmi waayey qaabka uu Roobow arrintaas ku shaacinayo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Qorshahan ayaa waxaa kasoo shaqeeyey mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ee dowladda ku jira, kuwaasi oo doonayey in Roobow uu helo xoriyaddiisa, taas beddelkeedna uu ka haro doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale qorshaha qeyb ka ahaa in Roobow uu shaaciyo inuu cambaareynayo falalka xagjirnimada islamarkaana si buuxda u marayo, una dhamaysanayo nidaamka dowladda ay u dejisay xubnaha kasoo baxa Al-Shabaab.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshuhu ahaa in saddexda dhinac ee arrintan ay quseyo mid walba uu helo waxa uu doonayo, sidaasna sheekada Roobow lagu soo afjaro.

1 – Dowladda waxay heli lahayd in Roobow uu ka haro doorashada, sidaasna ay Koonfur Galbeed u gaysato Lafta-Gareen, maadaama Roobow halis xooggan geliyey.

2 – Roobow waxa uu heli lahaa xoriyaddiisa, waxaana laga saari lahaa xabsiga, oo la qorsheeyey inuu ku jiro, haddii uusan sameyn sida ay rabto dowladda.

3 – Siyaasiinya Koonfur Galbeed waxay iska dejin lahaayeen cadaadiska xooggan ee ka haysta dhanka shacabkooda ee ah in Roobow la daayo, lana dejiyo rabshadaha Baydhaba.

Ayada oo heshiiska sidaas yahay, islamarkaana warbaahinta looga wacay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa Roobow, ayaa qorshaha waxaa sida aan xogta ku helnay daqiiqadihii ugu dambeeyey ka baxay dowladda Soomaaliya.

Xubnaha ku dhow wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay ka cabsatay in marka Roobow uu warbaahinta hor-tago uu is-beddelo oo uu sheego wax ka duwan waxa lagu heshiiyey.

Ilaa hadda ma cadda sida arrintan loo wajihi doona, waxaana dowladda haysata laba daran mid dooro. Haddii Roobow la yiraahdo muuqaal duub oo arrintan ka hadal, waxay u ekaaneysaa in la qasbay, haddii shir jaraa’id uu qabtana waxay ka cabsaneysaa in Roobow ka faa’iideysto warbaahinta oo uu sheego arrimo dhaawac xooggan gaarsiin kara dowladda.

Weli qorshaha waa taagan yahay balse waxaan la hayn habkii loo fulin lahaa.

Warbaahintii maanta loo yeeray, oo markii horeba aan loo sheegin sababta, ayaa waxaa lagu maaweelyiyey xiritaanka xabsiga Godka Jilicow oo ahaa qorshaha hore u dagsanaa, balse lasoo hormariyey si loogu dabaalo fashilka ku yimid arrinta Roobow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this