Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageysiga Khudbadaha Musharraxiinta Oo ka bilaabatay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay si rasmi ah uga bilaabatay dhageysiga khudbadaha Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Macalin Nuur iyo Xuseen Cismaan Xuseen oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan Koonfur Galbeed ayaa maanta ka hor hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka maamukaasi.

Saddexda Musharrax ee khudbadaha jeediyay ayaa ka hadlay taariikhdooda iyo sidoo kale mid kasto waxa uu qabanayo, haddii loo doorto xilkaasi.

Doorashada K/ Galbeed oo ay haatan hortaagan yihiin caqabado badan ayaa la filayaa in ay dhacdyo 19 bishan December ee 2018-ka, si loo doorto Madaxweyne cusub.

The post Dhageysiga Khudbadaha Musharraxiinta Oo ka bilaabatay Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this