Deeq A. Posted December 16, 2018 Mooyaale ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo magaalada Mooyaale ee xadka dalalka Ethiopia iyo Kenya ayaa ku waramaya in weli halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa Qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida. Ku xigeenka madaxa xafiiska xariirka ee dowlad deegaanka Soomaalida Surewe Maxamed oo lahadlay wakaalada wararka Ethiopia ee ENA ayaa xaqiijiyay in dagaalladii ugu dambeeyay ay ku Geeriyoodeen illaa iyo 21 Qof , halka ay ku dhaawacmeen 61 kale. Sidoo kale waxa u u tilmaamay in haatan ay socdaan wadahadallo ay qeyb ka tahay dowladda dhexe ee Ethiopia, kuwaas oo looga arrinsanayo xiisadaasi. Muddooyinkii dambe magaalada Mooyaale ayaa marti galineysay rabshado xoogan oo u dhexeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee wada daga halkaasi. The post Xiisad dagaal Oo weli ka taagan M/ Mooyaale appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites