Deeq A. Posted December 16, 2018 Muqdisho (Caasimada Online)-Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa goordhow la filayaa inuu warbaahinta kula hadlo magaalada Muqdisho, waxaana wariyaasha ay sugayaan Shirkiisa Jaraa’id. Xarunta NISA ee magaalada Muqdisho ayaa loo diyaariyay inuu warbaahinta kula hadlo, waxaana wariyaasha geeyay halkaasi bahda warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya. Lama oga waxyaabaha uu ka hadli doono, balse waxaa loo badinayaa inuu ka hadlo soo xeritaankiisii iyo arrimaha doorashooyinka Koofur Galbeed. Wariyaasha ayaa gabi ahaanba loo diiday inay Live Facebook ka sameeyaan Shirka Jaraa’id ee Mukhtaar Roobow. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in maanta la filayo in albaabada la iskuugu dhifto xabsiga GODKA JILACOW oo inta badan lagu xeri jiray shaqsiyaadka Al Shabaab looga shakiyo. La soco waxa kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites