Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeerkii Dhaqanka Diinta Islaamka Kasoo Hor-jeeday ee Kufsiga oo soo laba Kacleyey iyo Wasaaradda arrimaha Bulshada oo Dhaqaale doonaysa inay ku meelmariso

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeerkii Dhaqanka Diinta Islaamka Kasoo Hor-jeeday ee Kufsiga oo soo laba Kacleyey iyo Wasaaradda arrimaha Bulshada oo Dhaqaale doonaysa inay ku meelmariso

 

 

 

Wasaarada arrimaha bulshada iyo shaqo-gelinta, ayaa weli dabada ka riixaysa inuu dhaqan-galo, geed-dheer iyo mid gaaban-na ugu taagan Xeerkii dhaqanka Diinta Islaamka kasoo hor-jeeday ee Kufsiga, kasoo uu dhowaan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, dhaqan-galkiisa hakin ku sameeyey, kaddib markii qaybaha bulshada iyo Culimadu ka qayliyeen.
Wasaarada arrimaha bulshada iyo shaqo-gelinta, ayaa Maanta si toosa usoo toosisay Xeerka oo gabi-ahaanba si cad uga soo hor-jeeda Diinta Islaamka. Waxanay wasaaraddu tabobar Magaalada Hargeysa uga furtay Koox Suxufiiyiin ah, kuwasoo u janjeedha dhinaca Xukuumada, ujeedada kulankan ayaa ah mid lagaga dhaadhinaayo sidii ay bulshada diiday Xeerka Kufsiga ugu qancin lahayeen dhaqan-galkiisa.
Iyadoo Tabobarkan lagu cabsiin doono Wariyaasha Casharo ah inay Culimada dalka Kala hor tagaan dood warbaahineed lidku ah shareecada Islaamka iyo Shuruuc ay dhigteen wadamada reer Galbeedku, oo lagu dhaqan iyo Diin Guurinaayo dalka Jamhuuriyada Somaliland oo ah dal boqolkiiba, boqol Islaama. Sidoo kale waxa qaybka noqon doona garyaqaano.
Xeerkan, ayaa waxa dabada ka riixaya Haayadda Shisheeye, kuwasoo isku sheego inay u doodaan Xuquuqda Haweenka aduunka, waxanay Hayadahaasi dhaqaale Malaayin Dolar ah, doonayaan inay ku meelmariyaan sidii uu dhaqangeli lahaa, isla markaana loo bedeli lahaa sharciyada Diinta islaamka ee xaga guurka iyo lamanaayasha oo si weyn loogu dhaqmo.
Si kastaba ha ahaatee, Xeerkan ayaa dhowaan waxa ka oogmay, qaylo iyo sawaxan qaybaha Bulshada Somaliland garba siman ku diidanayeen, waxana si weyn uga soo hor jeestay Culimada Dalka oo ku tilmaamay mid fasaxaya Galmada Xaaranta ah, sidoo kalena waxay culimadu tooshka ku qabatay madmadow hadheeyey Xeerkan iyo been abuurad cad oo lagu sameeyey Diinteena suuban ee islaamka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this