Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimihii Wasaaradda Gargaarka Oo la sii daayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Agaasimihii guud ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow xabsiga laga sii daayay, kaas oo loo heystay eedeymo la xariira Musuq-maasuq.

Warar hoose oo ay heshay Shabelle ayaa ku warramaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii deysay mas’uulkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda sababaha soo dadajiyay si deynta Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka oo muddo u xirnaa lunsashada Xoolo dadweyne.

DFS ayaa horay mas’uuliyiin badan ugu u soo xirtay eedeymo ka dhan ah Musuq, kuwaas oo qaarkood la soo taagay Maxkamad, kuwa kalena weli ay yihiin eedeysanayaal.

The post Agaasimihii Wasaaradda Gargaarka Oo la sii daayay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this