Deeq A. Posted December 16, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay Gaari nuuca raaxada ah ayaa ka dhacay xaafadda Siigaale degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lagu soo xiray Gaarigaasi, islamarkaana uu qarxay, xilli uu marayay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyo sidoo kale Qofka loogu soo xiray intaba. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo haatan baaritaano ka wada halkaasi. Radioshoshabelle.com kala soco wixii soo kordha:- The post Qarax Gaari Oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites