Sign in to follow this  
Deeq A.

3 sabab dartood, Mukhtaar Roobow waa in la difaacaa

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee ku saabsan Xarigga Musharrax Madaxweyne ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed (DGKG) Sheikh Mukhtar Roobow oo ciidammada Ethiopia ka soo xireen (afduubeen) Baydhabo, loona soo dhoofiyay Muqdisho, wuxuu caddeynaya in dalka Soomaaliya lagu xukumo War-saxaafadeed (wareegto) oo uusan jirin Dastuur iyo sharci ilaalinaya xuquuqda iyo xorriyadda muwaadinka Soomaaliyeed. Waxaa la sheegaya in Madaxweyne Farmaajo yahay qofka bixinaya amarka lagu ciqaabayo muwaadiniinta. War-saxaafadeedku wuxuu sheegaya in Wasaaradda Amniga amartay xarigga Sheikh Mukhtar Roobow, taaso ah gef weyn. Lama yaqaan mas’uulka bixiyay amarka.

Qofkasta oo la socda xiriirka Dowladda Federaalka iyo Sheikh Mukhtar Roobow wuxuu xog ogaal u yahay in eedaha warsaxafadeedka ku qoran ay been yihiin, kana soo horjeedaan xaqiiqada xog ogaalka loo yahay. Hoos ayaan ku sharraxi doona xiriirkaas.

Xarigga Roobow waxaa ka dhashay bannaan baxyo, iska hor imaadyo, dhimasho, dhaawac, iyo qalalaase kale ee weli ka socda Magaalada Baydhabo. Ciidammada iyo Taangiyada Ethiopia iyo Ciidammadu Muqdishu laga diray ayaa cadaadis iyo cabburin ku haya Shacabka Baydhabo. Waxaa yaab ah in Ethiopia laga hirgelinayo Nidaamka Dimoqradiga ah iyo furfurnaanta, halka Soomaaliya laga hirgelinayo xukun fowdo ah oo ku tiirsan ama ka amar qaata Ethiopia.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in amarka lagu xiray Sheikh Mukhtar Roobow ka soo baxay Dowladda Ethiopia oo khatar weyn u aragtay haddii uu Roobow ku guuleysto doorashada Madaweynaha DGKG. Sidaa darted, waxaa Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo la faray inuu is hortaago ka qayb galka Roobow doorashada Madaxweynaha DGKG, lana taagero Xildhibaan Cabdicasis Xassan Maxamed (Lafta Gareen). Sidaaso kale, Madaxweynihii hore ee DGKG Sharif Xassan Sheikh Aaden wuxuu isu casilay cadaadis uga yimid Dowladda Ethiopia oo noqotay Xaakimka Sare ee Soomaaliya.

Muwaadin kasta ee Soomaaliyeed oo aaminsan Sarreynta/Talinta Sharciga kana soo horjeeda Sarreynata/Talinta Qofka waxaa waajib ku ah inuu difaaco Mudane Sheikh Mukhtar Roobow sababaha hoos ku qoran:

  1. Warsaxaafadeedka Wasaaradda Amniga wuxuu caddeynaya in DF ay ku xadgudubtay Xuquuqda iyo Xuriyadda muwaadin Mukhtar Roobow (xitaa haddii uu yahay eedeysane) marka la fiiriyo qodobbada kala ah 15 (Xorriyadda iyo Nabadgelyada qofnimada), 33 (Go’aanno maamul oo cadaalad ah) , 34 (Xaqa Dacwada iyo Is difaaca) , 35 (Xuquuqda Eedeysanaha) ee Dastuurka KMG. Qodobbadaas ayaa ilaalinaya difaacayana xuquuqda iyo xorriyada Mukhtar Roobow iyo muwaadin kasta. Muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay inuu diido xadgudubka DFS.
  2. Haddii Shacabku ka aamuso xadgudubyada DF, waxa galaya halis nabadgelyada, xasillonida, iyo horumarka dalka Soomaaliyeed. Wax garadka Soomaaliyeed waa inuu wax ka arkaa daaha gadaashiisa oo aan lagu khaldin sheekooyin dhalanteed ah, afminsharnimo, iyo been.Horumarka dalka wuxuu ku jiraa runta, kumana jiro beenta iyo musuqmaasuq. Waa fadeexo wax garad ku doodaya in musuqmaasuqa DF la qariyo si adduunka wax noo siiyo, kaddibna la musuqmaasuqo.
  3. DGKG oo mas’uul ka ah Baydhabo marna ma sheegin, mana kama caban khatar uu Mukhtar Roobow ku hayo Nabadgelyada deegaanka iyo doorashada Madaxweynaha DGKG. Musharrax tartan doorasho ku jira ma maja xaabin karo DFS, kamana qayb geli karo mu’aamarad wax loogu dhimayo nidaamka dowliga ah.

Sheikh Mukhtar Roobow wuxuu ka mid ahaa Madaxda Ururka Maxaakiinta Islaamka, kaddibna wuxuu ku biiray Al Shabab oo uu ka soo goostay 2013. Dowladda Mareykanka ayaa 2012 madaxiisa saartay abaalmarin dhan 5 Milyan doolar si loo soo qabto ama loo soo sheego meesha uu joogo si loo khaarijiyo. Roobow wuxuu muddo 4 sano ku dhex noolaa deegaanka Koofur Galbeed, halkaaso ay ku difaacayeen ciidammo daacad u ah. Dhowr jeer ayaa Ciidammo ka tirsan Al Shabab soo weerareen, isla markaana ka badbaaday baadi goobkii Dowladda Mareykanka. 2017 ayaa Dowladda Mareykanka ka qaaday lacagtii abaal marinta aheyd, taaso albaabka u furtay in DGKG iyo DF soo dhoweeyaan Sheikh Roobow si heer sare ah, kana mid noqdo xubnihii ka soo goostay Al Shabab oo xilal xasaasi ah ka haya hay’adaha nabadsugidda iyo Garsoorka DF.

Sida uu sheegay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee DF Cabdirashid Cabdullahi Maxamed, DF waxay siiyay ballanqaadyo badan Sheikh Mukhtar roobow oo noqon kara taagero iyo meeleyn si uu isaga difaaco Al Shabab oo ugaarsaneysa. Wuxuu haysta ciidammo daacad u ah oo muddo 4 sano ah ka difaacayay weerarrada Al Shabab iyo cadowyo kala duwan. Sidaa darted, Roobow wuxuu markasta u baahan yahay ilaalo ka difaacda ugaarsiga Al Shabab.

Sheikh Mukhtar wuxuu marar badan ka hadlay Warbaahinta, wuxuuna cambaareyay Al Shabab, taaso macnaheedu yahay ka soo horjeedka Mab’da xag-jirnimada ah. DF waxay siiyay Roobow Baasabor uu ku tagay dalal badan, mana jirin dowlad xirtay ama xayirtay madaaama mab’da xag-jirnimada waa dambi caalami ah oo dowlad kasta laga sugayo inay wax ka qabato.

Waa gef in muwaadin laga dalbato inuu taagero Dowladda Federaalka Soomaaliya, Waajibaadka muwaadinka waxay qeexan yihiin qodobka 42 ee Dastuurka KMG, kumana jirto taageradda DFS. Muwaadin kasta waxaa laga rabaa inuu dhowro, difaaco, daacad u ahaado sarreynta dastuurka iyo sharciga dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheikh Mukhtar Roobow waxay ka qayb galeen dhiig bixintii loogu deeqay qarixii weynaa ee ka dhacay Zobbe 14 Oktoober 2017. Warbaahinta Dowladda Federaalka ayaa baahisay sawirrada dhiig bixinta Madaxweyne Farmjaao iyo Sheikh Mukhtar Roobow oo noqday hoggamiye qaran.

Bishii Maajo 2018, Jaamacadda Qarammada Midoobay waxay baahisay daraasad ay qortay Dr. Vanda Felbaba-Brown, kuna saabsan siyaasadda dowladda federaalka ee la xiriirta cafiska xubnaha ka soo goostay Al Shabab, dib u heshiisinta, nabadgelyada, iyo xaqmarinta dhibannayaasha iyo ciqaabta dambiilayaasha Al Shabab. Dasaaraddu waxay muujineysa khaladaadka iyo xikmad la’aanta siyaasadda Dowladda Federaalka ee la xiriirta la dagaalanka iyo ka guuleysiga Al Shabab, baahida loo qabo dejinta siyasaad wanaagsan oo dhiirigelineysa in xubno badan ka soo goostaan Al Shabab, kuwo cusubna aysan ku biirin, isla markaana la daaweeyo dhibbanayaasha dhibaatada ka soo gaartay weerarrada Al Shabab.

Xarigga Sheikh Mukhtar waa ku xadgudub dastuurka iyo Sharciga, waa gacan dhaaf lagu sameyay DGKG, iyo musuqmaasuqa doorashada Madaxweynaha DGKG. Beesha Caalamka waxay caddeysay welwelka ay ka qabto sharciyadda iyo hufnaanta doorashada Madaxweynaha DGKG.

Madaxweynaha JFS Mudane Farmaajo waxaa la sugaya inuu ka digtoonaado marin habaabinta la taliyayaashisa, uuna tixgeliyo qayla dhaanta shacabka ee dibedda iyo gudaha ka soo yeereysa. Xalka waa wax ka qabashada deg degga ah ee mowjadaha siyaasadeed ee ka aloosan dalka oo dhan, dadweynahana loo ballan qaado in hadda kaddib aysan dhici doonin xadgudubyada dalka geliyay xasilloni darro iyo dib u dhac.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this