Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Xildhibaanadii Golaha Wakiilada Oo Qado U Soo Yaacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland: Xildhibaanadii Golaha Wakiilada Oo Qado U Soo Yaacay

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maant qado sharaf u sameeyey xildhibaanada Golaha Wakiilada. Mudane Muuse Biixi oo marti qaadkan ku damacsanaa siduu ugu dhiiringelin lahaa golahan wakhtigii dhacay sideed sannadood ka hor, in ay soo diyaariyaan xeerka doorashooyinka. Isla markaa, wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi ku adkeeyey, in aanu goluhu ka badsan muddo dhowr bilood kordhiskan lala daba cararayo.

Qadadan waxaa ka soo xaadiray 80 xildhibaan! 80! Goormaa ugu dambeysay in ay 80 xildhibaan ka soo xaadiraan Golaha Wakiilada? Labo xildhibaan ka xishooday marti qaadkan. Waxaan filaynaa inuu mid ahaa Xuseen Caydiid!

Marka hore, hadii uu Madaxweynuhu, oo huwan karaamada ummada Somaliland ku casuumo, waa waajib in aad ka qayb geshid xafladaa. Hase yeeshe, waxaan filayaa in ay reer Somaliland oo dhan berri hore barteen waxay yihiin xildhibaanadan iska fadhiya golaha.

Waa calooshood u shaqaystayaal. Dilaal iyo Super Mulaal miidhan, oo berri hore meel iska dhigay xilkii loo doortay, oo jeebka uun buuxsanaya. Waxay noqdeen siyaasiin la kiraysto sida taxiga, oo kii jeebka uu buuxiya uun afkiisa ku hadlaya.

Waxaa maanta haboonayd, markay qadada dhameysteen, ee ay findhicilka la soo bexeen, inuu Madaxweynuhu ku yidhaahdo ” mudanayaal ma dharagteen..haa..waayahay..wakhtigan wixii ka dambeeye, waa la idin ruqseeyay” lakiin, nasiib daro, dastuurka Somaliland baa madaxweynaha awoodaa siin. Waana sax, oo maamulka Somaliland waa fulunta, sharciga iyo cadaalada.

Waa in aynu sannad kale dhegaysano hadalkooda bilaa micna ah, dood aan ku saleysneyn xeer iyo khibrad. Golahii sharafta lahaa waxay ka dhigeen makhaayad.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this