Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada BF oo qoraal xasaasi ah u diray dowladda Itoobiya (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online)-Xildhibaanada Golaha Badbaadada oo ah xildhibaanada Gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah u diray safiirka dowladda Ethiopia ee Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ka dalbaday safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya inay cadeyso doorka ay ciidamadooda ku sugan magaalada Baydhabo ku leeyihiin soo qabashadii Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo shaqada ay ka hayaan magaalada.

Warqadda oo Caasimadda Online ay heshay ayaa waxaa lagu cadeeyay inay AMISOM ay iska fogeysay inay door ku lahaayeen so qabashadii Mukhtaar Roobow, waxaana taasi ka dhashay shaki badan oo ah in ciidamada Ethiopia ee kusugan Baydhabo aysan qeyb ka aheyn AMISOM iyo Inkale.

Arintaasi ayaana keentay in Xildhibaanada ay warqadan u diraan Safiirka Ethiopia ee Somalia, waxaana warqadda ay u qorneyd sidan:-

NSC-ETH-1.jpg NSC-ETH-2.jpg

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this