Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka sare oo baaq kasoo saarey xaalada Baydhabo iyo Mooyaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho, kaasi oo ay kaga arrin-sadeen xaalada kacsan ee Baydhabo iyo dagaalka u dhaxaeeya qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida oo ka taagan Mooyaale.

Kulanka gudiga ayaa markii uu soo idlaaday, waxaa warbaahinta shir jaraa’id u qabtay Xoghayaha Guud Golaha Aqalka Sare, Cali Jaamac Maxamed, kaasi oo ku horumaray qalalaasaha ka taagan xarun goboleedka Bay.

Xoghayaha ayaa wuxuu ugu baaqay waxgaradka, Aqoonyaanada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan inay qaboojiyaan xaaladda, islamarkaana wax kasta lagu dhameeyo iyadda oo la eegayo dadka dalka iyo dadka.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud Golaha Aqalka Sare ayaa carabka ku dhuftay dhibaatada ka dhalatay Dagaalka ka soo cusboonaaday Deegaano iyo tuulooyin hoos-yimaada Magaalada Mooyaale oo ay wada-degaan qoomiyadaha Soomaalida iyo Oramada.

Baaq nabadeed oo dhawaq culus wata ayuu ujeediyay dhinacyadda kala duwan, si gaar ah wuxuu ku tartarsiiyay masuuliyiinta inay ka shaqeeyaan sidii aanu dib-damnbe udaadan Dhiigga shacabka.

Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya soo xirtay Murashax Mukhtaar Roobow waxaa ka taagan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG maamulka Koonfur Galbeed rabshado galaaftay nolasho badan.

The post Aqalka sare oo baaq kasoo saarey xaalada Baydhabo iyo Mooyaale appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this