Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno Qoraal ku Taageeray Farmaajo Baaqna u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanno_taageeray_Farmaajo.jpg?resiMuqdisho (PP) ─ Xildhibaano ka tirsan Baalamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kasoo horjeesteen mooshinka dhawaan laga keenay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo ay golaha shacabka u gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka, kaas oo la sheega inuu burburay.

Kulanka kaddib ayay xildhibaannadu, waxay soo saareen War-asxaafadeed ka kooban laba bog, iyagoo ku sheegay in mooshinkii Madaxweynaha laga keenay uu buray, isla markaana uu ahaa mid aan loo baahnayn.

Sidoo kale, Xildhibaannada kulanka yeeshay oo gaarayay in ka badan 134 xildhibaan ayaa waxay eedeyn kulul u jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyagoo ugu baaqay inuu furo kulamada baarlamaanka.

Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa u muuqday kuwa difaacayay Madaxweyne Farmaajo oo xildhibaanno kale ay mooshin ka gudbiyeen, iyagoo xusay inay taageersan yihiin madaxweynaha Soomaaliya.

AKHRISO: War-saxaafadeedka ay soo saareen Xildhibaannada kulmay;
Xildhiaannadii_ku_kulmay_Xamar-1.jpg?res Xildhiaannadii_ku_kulmay_Xamar-2.jpg?res

PUNTLAND POST

The post Xildhibaanno Qoraal ku Taageeray Farmaajo Baaqna u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this