Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: 135 xildhibaan oo go’aan 10 qodob ka kooban ka soo saaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka kid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshauy magaalada Muqdisho ayaa tageero xooggan u muujiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanadan oo isugu yeeray “aqlabiyadda golaha shacabka” ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin hoggaanka Madaxweynaha iyo waxqabadka xukuumadiisa uu hoggaamiyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada oo tiradooda lagu sheegay 135 xildhibaan, ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamanka in uu ka fiirsado ku adkeysiga Mooshinka oo ay ugu yeereen “mooshinka buray ee sharcidarada ah si hay’adaha dastuuriga ah looga badbaadiyo qalaalase siyaasadeed oo dowladda dib u dhac u keena, caqabadna ku noqda waajibaadkii sharcidajinta, matalaada shacabka iyo korjoogteynta hay’adda fulinta oo dhamaantood habacsanaan ku timid”

Hoos ka aqriso qoraalka ay soo saareen xildhibaanada

1544873086282_BAYAANKA-AQLABIYADDA-GOLAH 1544873086282_BAYAANKA-AQLABIYADDA-GOLAH

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this