Deeq A. Posted December 15, 2018 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa maalintii saddexaad kacsam xaaladda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. Dibadbaxyo iyo rabshado xoogan ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay dib uga bilowdeen gudaha magaaladaasi. Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay Waddooyinka Baydhabo, kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markale dagaal uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaaladaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu dhexmaray Ciidamada dowladda kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Ciidamo taabacsan Sheekh Roobow. Khasaasare kala duwan ayaa lagu soo warramayaa in ay ka dhasheen dagaalkaasi iyo rabshadaha ka socda halkaasi, walow aan ka xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Isgaarsiinta ayaa sidoo kale hawada ka maqan, taas oo saameyn ku yeelatay xiriirka magaaladaasi. Dhinaca kale waxa socda kulamo gooni gooni ah oo ay wadaan Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka K/ Galbeed, kuwaas oo looga hortagayo xiisadahaasi. Xaaladda Baydhabo ayaa sii xumaatay tan iyo wixii ka dambeeyay markii laga soo xiray magaaladaasi Musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow oo horay ua tirsanaa Al Shabaab. The post Rabshado xoogan Oo weli ka socda magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites