Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay degmada Buulo-burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Buulo-burte ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay gudaha degmada Buulo-burte ee G/ Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in uu ka dhacay goob lagu iibiyo Qaadka oo ku taalla bartamaha magaaladaasi.

Ugu yaraan illaa 3 Qof oo labo ka mid ah ay yihiin Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray goobta qaraxu ka dhacay ayaa baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Buulo-burte oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro u badan qaraxyo ka fuliya gudaha degmadaasi.

The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay degmada Buulo-burte appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this