Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 8 ka tirsanaa Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal oo ah ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen duleedka Muqdisho ay ku dileen 8 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday nawaaxiga deegaanka Gandershe oo ku yaalla dhanka waddada xeebta ku teedsan ee u dhexeysa Muqdisho iyo magaalada Marka.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen maanta oo Sabti ah iyagoo taageero ka helaya Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraalka waxa kaloo lagu sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo dadka shacabka ka soo gaaray duqeynta Ciidamada Mareykanka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan weerarka Mareykanka kaas oo noqonaya midkii ugu dambeeyay duqeymo isdaba joog ah oo ka dhacayay muddooyinkii dambe Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo boqolaal lagu qiyaasay oo saldhigyo ku leh qeybo ka mid ah dalka, kuwaas oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.

The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 8 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this