Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo dallacsiiyay taliyaal ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa dallacsiiyay taliyaasha ciidamada Booliiska iyo Asluubta.

Dikreeto Sabtida maanta ah ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa  lagu dallacsiiyay,taliyaha ciidanka Booliiska,Ex Sarreeye Guuto Muxiyadiin Axmed Muuse oo loo dallacsiiyay darajada sarreeye Gaas iyo sidoo kale, taliyaha ciidanka Asluunta, Ex Sarreeye guuto Cali Nuur Cumar oo haatan loo dallacsiiyay darajada sarreeye Gaas.

Todobaad ka hor, madaxweynaha ayaa sidaan oo kale dallacsiiyay,taliyaasha ciidamada Daraawiishta iyo PMPF oo kala ah;Gen Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo Adm Cabdirisaaq Siciid Diiriye,waxaana labadaba loo dallacsiiyay darajada Sarreeye Gaas.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

 

The post Madaxweynaha dowladda Puntland oo dallacsiiyay taliyaal ciidan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this