Deeq A. Posted December 15, 2018 Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in goor dhow uu qarax Miino ka dhacay degmadaasi. Miinadan ayaa la sheegay in lagu aasay bartamaha suuq lagu iibiyo Khaadka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare, Labo qof ayaa naloo xaqiijiyey in qaraxaasi ku dhaawacmeen, iyadoo mid ka mid ah Labadan qof uu ka mid yahay ciidanka dowladda. Ciidamada dowladda ayaa hadda howlgal ballaaran ka wada degmadaasi, gaar ahaan halka qaraxan uu ka dhacay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites