Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal Oo dalbday in dib loo dhigo doorashada K/Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ugu horreyn guddoomiye Mursal ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday xiisadaha ka jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isagoonaka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladaasi.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xarigga loo geystay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Masnsuur oo ka mid ahaa Musharraxiinta K/ Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sharci darro ku tilmaamay xarigga Sheekh Abuu Masuur, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Musharraxaasi.

Dhinaca kale Afhayeenka BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashada K/Galbeed iyo qaabka ay hadda wax u socdaan.

Guddiga qaban qaabada doorashada maamulkaasi ayuu ka dalbaday in ay dib u dhigaan waqtiga doorashada, si loo xaliyo xiisadaha siyaasadeed ee haatan ka aloolsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli weli xiisado xoogan ay ka taagan yihiin gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka K/Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ka dhashay xarigii Khamiistii la soo dhaafay  loo geystay Musharrax Sheekh Mukhaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al Shabaab.

The post Guddoomiye Mursal Oo dalbday in dib loo dhigo doorashada K/Galbeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this