Deeq A. Posted December 15, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira ayaa ka hadlay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobalka Baay. Mr Madeira ayaa xusay in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uusan qeyb ka ahayn xarigga Sheekh Mukhtaar roobow oo ah Musharrax u tagaan xilka Madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wakiilka ayaa sheegay in AMISOM ay ixtiraameyso jiritaanka shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in ay mar walba dhexdhexaad yihiin Francisco Madeira wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la dajiyo xasaradaha ka taagan magaalada Baydhabo, si loo qabto doorashada Madaxweynaha maamulkaasi. Sidoo kale Mr Madeira ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalka AMISOM uu sii wadi doono xiriirka iyo la shaqeynta shacabka iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay dhawrayaan shuruucada, dhaqanka iyo aayaha dalka. Ugu dambeyn Francisco Madeira ayaa ka tacsiyeeyay dadkii lagu dilay rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. The post AMISOM Oo iska fogeysay ku lug lahaanshaha xarigga Roobow appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites