Sign in to follow this  
Deeq A.

Goorma ayay bilaabanayaan fulinta Mashaariicda Qatar ee Soomaaliya ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Doha (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay waqtiga dowladda Qatar ay bilaabeyso fulinta Mashaariicda qaar oo la fulinayo Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayaa shaaciyay in dhamaadka sanadkaan 2018 oo Maalmo ay ka harsan yihiin la bilaabi doono dhismaha waddooyinka Jowhar iyo Afgooye ku xera magaalada Muqdisho.

Mashruucaasi oo dowladda Qatar ay maalgelineyso ayuu sheegay in qorshaha uu yahay in lasoo gabo gabeeyo dhamaadka sanadka 2019, taasi oo qeyb ka noqon doonto horumarada dowladda ay sameyneyso.

Wuxuu sheegay in dhismaha waddooyinkaasi dhaqaalaha ku baxaya ay bixin doonto dowladda Qatar, islamarkaana dowladda Soomaaliya wax dhaqaalo ah ku bixin doonaa in Amaanka ay xaqiijiso Mooyee.

Mashaariicda kale ee Qatar dhisi doonto waxaa kamid ah Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo Xaruntii Xisbiga, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ugu Dambeyn Kheyre, ayaa sheegay in heshiisyada Cusub ee ay la galeen dowladda Qatar inay ku jiraan isku xirka Bangiyada Soomaaliya iyo Qadar, isku xiranka Ganacsiga, Ammaanka, iskaashiga dhaqaalaha, Maalgashiga iyo kuwo kale.

Caasimada Online
Xafiiska DOHA
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this