Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi oo seddex Su’aal ka keenay Hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ka jeediyay Doha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada horboodaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa su’aalo ka keenay hadal uu jeediyay Xasan Cali kheyre.

Xildhibaanka ayaa su’aalihiisa waxay u muuqdaan kuwo muujiyay carada uu ka qaaday hadalka ra’iisul wasaaraha dalka oo ku sheegay in Qabqablayaal aysan ku cabsi gelin doonin shaqada ay u hayaan shacabka.

Qoraalkiisa oo taabanayay dhowr arin ayaa u qornaa sidan:-

“Shuruucda iyo dastuurka dalka u degsan oo la ixtiraami waayo, isla xisaabtankii oo la diido iyo haddii aad iga aragti duwanaanto sidii shabaabkii ayaan ku shaabadaynayaa intaasi haddii dhaqan qabqable iyo argagixiso ay noqon weydo, ha naloo weydiiyo odoga wuxuu u yaqaan qabqable”.

“Isbaarooyin magaalo la dhexdhigo, umadda oo isu socodkeeda la xannibo, siyaasiyiin la afduubto, hubka oo sharciga ka sara-mara intaas haddii ay noqon waydo qabqablanimo odoga hala weydiiyo waxa uu qabqable u yaqaan”.

“Dhiigga dadka oo si fudud loo daadiyo, shisheeye dadkaada loo adeegsado iyo qabyaaladda oo la Soo faago haddii lagu noqon waayo qabqable, odayga ha naloo weydiiyo waxa intaas ka xun oo qabqable lagu noqon karo”?.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this